XOG: Ra’iisul Wasaare CABDI WELI oo tagaya Garoowe iyo warar sheegaya…

Garoowe (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay dhawaan tagi doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Garoowe ayaa soo sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha ay ka billaabatay magaalada Garoowe.

Muxuu ra’iisal wasaaraha ka doonayaa Garoowe?

Sidda cad xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ma uusan wanaagsanayn tan iyo xilligii Faroole uu xilka hayay, balse isbadal ka dhashay Puntland ayaa horseed u noqday in labada dhinac ay isku soo dhawaadaan.

Ra’iisal waasaaraha ayaa la sheegay in socdaalkiisa Garoowe ay qayb la tahay in uu dib u soo celiyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, waxaana uu kulamo la soo qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha booqashadiisa Garoowe ay qayb ka tahay uun socdaallo uu maalmihii dambe ku marayay qaybo ka mid ah dalka.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana meel kasta la dhigay ciidamo xooggan.

Maamulka Puntland ilaa hadda kama hadlin booqashada ra’iisal wasaaraha xukuumadda ku tagaayo Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com