Xog: Xasan oo Lataliye u magacaabaya Prof. Cali Maxamed Geedi + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu la-taliyihiisa gaarka ah u magacaabo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Geedi la filayo inuu madaxweynaha kala taliyo arrimaha siyaasadda.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in Geedi iminka uu soo degay Villa Somalia, lana filayo in magacaabistiisa lagu dhowaaqo, marka xiisadda siyaasadeed ee iminka kacsan ay degto.

Cali Maxamed Geedi oo si aad ah u macaaradsanaa madaxweynaha tan iyo markii la magacabay, ayaa waxa ay labadooda isu soo dhowaadeen bishii February, markii si lama filaan ah loo arkay Geedi oo garoonka Muqdisho kusoo dhoweynaha madaxweynaha.

Geedi iyo Xasan: 16-kii February 2014
Geedi iyo Xasan: 16-kii February 2014

Lama yaqaan is-beddelka siyaasadeed ee ku yimid mowqifkii aadka u adkaa ee uu Prof. Geedi horey uga qaatay madaxweynaha Somalia.

Waxaa sidoo kale marka lasoo sawiray Prof. Geedi oo Muqdisho kusoo dhoweynaya madaxweynaha, markii uu dib ugu soo laabtay toddobadii bishan, xilli xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay dalbadeen inuu is-casilo.

Geedi iyo Xasan 7-dii May 2014
Geedi iyo Xasan 7-dii May 2014

Wixii sheekadan kusoo kordha ha moogaan Caasimada Online: Isha Wararka Sugan.

Xafiiska baaritaannada Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

Caasimada@live.com