32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiirka arrimaha dibada Norway oo saakay kasoo degay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)– Wafti uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibada dalka Norway Børge Brende ayaa saakay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibada Somalia Yusuf Garaad Cumar iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta Dowladda Federaalka ugu sareysa, iyaga oo ka wada hadlaya xiriirka labada dal iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Wararkeena danbe ayaa faahfaahinta kasoo baxda booqashada wasiirka arrimaha dibada Norway ku tegay Muqdisho kaga boggan doontaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News