Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga reebay safarkii Farmaajo ee Qatar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in si lama filaan ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar looga reebay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya  ayaa si kadis ah waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loogu sheegay in laga reebay safarka uu madaxweynaha ku aaday dalka Qatar, waxaana booskiisa la geliyey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan kaasoo hore usii aaday dalkaas.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasii raacay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan kuwaas oo si hordhac ah usii gaaray dalka Qatar.

Waxaa muuqato inuu jiro loolan adag oo u dhaxeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, iyadoo la ogyahay in shirar badan oo sharci ahaan ay aheyd inuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka qeybgalo uu ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta.

Lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda laga reebo safarka Madaxweynaha isagoo isku diyaariyey inuu ka safro garoonka Aadan Cadde, balse waxay xogta hoose sheegeysaa inuu Cawad olole xooggan u waday sidii loola heshiin lahaa Imaaraadka Carabta ayna dhici karto in sababataas looga doorbiday Wasiirka Qorsheynta Jamaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com