Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo digniin culus u diray dowlada Imaaraadka Carabta 

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaasiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalksa Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay  heshiiskii Dekeda Berbera.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Somalia ay aad uga walaacsan tahay Heshiiska Berbera ee u dhexeeya Shirkada DP World iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa mid Seddex geesood ah, isagoo tilmaamay in dowlada Somalia ay sifo sharci ah uga guuleysan doonto Seddexda jiho ee uu heshiiska u dhexeeyo.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaanu jirin heshiis ansaxaya oo lagu galo dhulka Soomaaliya, kaasi oo aanay waxba ka ogeyn Dowladda Fedetraalka Soomaaliya.

Heshiiskaas ayuu sheegay inuu ansixi doono wixii ka danbeeya marka ay dowlada Somalia bixiso ogolaansho, waxa uuna ku baaqay in Heshiiska loo maro waddo sax ah.

Wasiir Cawad ayaa dowlada Imaaraadka kaga digay in ay isku dayaan in ay faragelin ku sameeyaan Madax banaanida Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay heshiiskaasi inuu yahay mid aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo waliba oo suuragal ah waa haddii ay dowlada Imaaraadka Carabta ka dhaga adeegto digniinada ay u dirayaan.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in dowladaha saaxiibada la ah Somalia ay goor hore wax ka qabtaan faragalinta taagan, iyadoo aanu Somalia aqbali doonin wakhti xun soo jeedin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com