Emirat-ka oo ku fashilmay Hub casri ah oo ay u daabulayeen Kismaayo & Garoowe (Sawirada nooca Hubka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay illo wareedyo ka howlgala Garoonka Aadan Cadde, waxaa halkaa lagu qabtay Diblumaasiyiin ka tirsan Safaarada Imaaraadka carabta oo Hub u siday magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ee maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Hubkaan ayaa la sheegay in lagu waday gaari laga leeyahay Safaarada, isla markaana ay la socdeen Diblumaasiyiin ka tirsan Safaarada Emirate-ka ee Xamar.

Mid kamid ah howlwadeenada Hubka is hortaagay ayaa xaqiijiyay in tirade ugu badan ee Hubkaas la doonaayay in loo gudbiyo magaalada Garoowe.

Hubka ayaa waxaa kamid ahaa Qoryaha loo yaqaan Heckler & Koch, (G36 oo loo yaqaan Kontraste) iyo bastoolado nooca casriga ah.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in Hubkaas oo la qabtay maalmo ka hor ay ku jireen Sanduuqyo waaweyn oo nooca afar geeska ah, waxaana is hortaaga ku sameeyay howlwadeen qaabilsan dhanka baaritaanada.

Hubka qaar ayuu noo xaqiijiyay howlwadeenkaas inay ahaayen kuwo kala furfuran, iyadoo uu ujeedkuna ahaa in baaritaan la’aan la gudbiyo Hubka, hase ahaatee Emirate-ka oo waayadaan laga shakisnaa ayaa suuragashay in baaritaan lagu sameeyo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya gacan ku dhigista Hubka loo waday maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxa ayna qaarkood sheegayaan in Hubkaas dib loogu celshay Safaarada Emirate-ka ee Xamar, halka warar kaa ka duwana ay sheegayaan in Hubka ay la wareegtay dowlada.

Diblumaasiyiinta Safaarada Emirate-ka ee Xamar ayaa cadeymo u waayay halka ay u wadeen Hubka, hase ahaatee waxaa suurashay in la celsho maadaama aysan wadan warqad lagu fasaxaayo Hubka.

Dowlada Emirate-ka carabta ayaa dhibaato dhanka amni iyo mid Siyaasadeedba ku heysa Somalia.

HOOS KA DAAWO NOOCYADA AY KALA AHAAYEN HUBKA