Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo faah-faahiyey go’aanka ay ka qaateen Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadashay xiriirka diblumaasiyadeed ee sii xumaanaya ee dalka Kenya, xili ay shalay cayrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey VOA ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan ceyrin Safiirka Kenya balse ay xukuumadiisa Kenya ugu dirtay inuu wada-tashi la soo sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Safiirka Kenya lama eryin ee dowladda Soomaaliya iyada oo qabta tabashooyin waxay safiirka Soomaaliya u fadhiya ugu dirtay dowladiisa inuu lasoo sameeyo wada-tashi,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in kal hore ay sidan oo kale Kenya u yeeratay safiirkeeda, arrintana ay dabo socoto xiriirka labada dal, isla markaana ay qeyb ka tahay tabashooyin ay ka qabaan xukuumadda Nairobi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo xiligan xaalad cakiran ka abuurtay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Kenya inay cadaadis ku hayso madaxda maamul goboleedyada, iyada oo war-saxaafadeed ay shalay soo saartay si gaara ugu carabaabtay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka shalay ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka