Xog: Yaa ka dambeeyay, sideese ku timid in Mustafa Dhuxulow uu ka dago Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa lagu xiray Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, ahna xildhibaan, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu kasoo dagay Cigaal Airport.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa muddo ka yar 24-saac ku xirnaa saldhig ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kaasi loo taxaabay kadib markii ciidamada booliska ay ka qabteen madaarka, xili uu kasoo dagay diyaarad soo cago dhigatay garoonka.

Safarka Dhuxulow ayaa yimid kadib markii ay hay’ad Jarmal ah oo degan magaalada Hargeysa u soo saartay ogolaanshaha fiisaha Somaliland, si uu Hargeysa uga qeyb galo shir ka dhacayay.

Shirkada Jarmalka ah ayaa martiqaad iyo waraaq ogolaansho ah u dirtay Dhuxulow, taasi oo keentay in uu Xildhibaanku ka dago magaalada Hargeysa, maadama uu haysto warqad u fasaxeysa inuu deeganadaasi uu booqan karo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, waraaqdda uu sitay Dhuxulow ee hore loogu ogolaaday inuu kaga degi karo magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaanba la hakiyey kadib markii laamaha amaanka Somaliland ay ka war heleen inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Booliska madaarka ayaa xabsiga u taxaabay shalay kadib markii ay ku war-geliyeen in waraaqda ogolaanshiyaha ee uu sito la laalay, isla markaana la joojiyey.

Si kastaba, Somaliland ayaa saaka dib u siisay xorriyaddiisa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan golaha shacabka, sidoo kalena ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/2021-ka.

Xukuumada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in mas’uulkaasi ay ka soo masaafurisay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa inta badan xabsiga u taxaabta shaqsiyaadka xiriirka la leh dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta ka tirsan, iyada oo hore u soo saartay shuruudo ay ku xireyso siyaasiyiinta ka dagay deeganadeeda.