Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday dhaawacyadii ka dhashay Qaraxii Zoobe iyo ehelada Shaqaalihii Wasaarada ka geeriyooday (Sawiro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday Isbitaalada ay ku jiraan dhaawacyadii ka dhashay qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa booqashadaas ku wehliyey Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dr. Maryan Qasim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrmaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xaaji Cali.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxay mid mid u booqdeen Isbitaaladii la geeyey dhaawacyada ka dhashay Qaraxii 14 Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wasiirka ayaa soo qiimeeyey Xaaladda guud ee dhaawacyadaas, wuxuuna Ilaaheey uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana wuxuu tacsi u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay sida gaarka ah u taabatay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tacsi ugu tagay Ehelada qaar ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaraxaas ku dhintay.

Ugu Dambeyntii Wasiirka ayaa Alle uga baryey inuu caafiyo dhaawacyada ka dhashay qaraxaas, sidoo kalana wuxuu ku baaqay in lasii wado Dadaalka iyo Gurmadka socdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kasoo laabtay Safar shaqo oo ugu maqnaa magaalada Xudur oo uu kaga qeyb galay Xaflad lagu dhisayey Golaha Deegaanka Xudur.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada Wasiirka iyo Wafdigiisa:

Qoraalka uu Wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook: