Xog: Shir uu abaabulayo CC Sharmaarke oo ka furmaya Nairobi + Ujeeddiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ku qulqulaya, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay halkaas shirar ka dhan ah dowladda ku yeeshaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubnaha ayaa ka qeyb galaya shirkan, oo ay sidoo kale ka mid noqon doonaan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyadda, oo ayagana halkaas ku wajahan, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kulankan ayaa waxaa qaban qaabadiisa wada ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashii, oo ah wakiilka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah sidii loo dumin lahaa dowladda dhexe, cadaadiskana loogu kordhin lahaa, xilli khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo dowladda iyo maamul goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dalbanaya inay dowladda kala tashato siyaasadda arriimaha dibedda, taasi oo dowladdana ay ku gacan seertay, maadaama dastuurka uu dhigayo in maamul goboleedyada aysan shaqo ku lahayn arrimaha dibedda.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka carreysan inaysan dowladda federaalka taageero uga helin xiisadda kala dhaxeysa Qatar, ayaa dhaqaale badan ku siineysa maamul goboleedyada sidii ay u ridi lahaayeen dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com