Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee Shaybaarka Qaranka (BIOSAFETY LEVEL 3) taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka ee dalka munaasabaddan ayay sidoo kale goob joog ku ahaayen Dr. Guuled Abdijalil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Howl wadeenada Wasaaradda iyo Machadka Caafimaadka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin saamileyda caafimaadka dalka.
Shaybaarka Qaranka oo kamid ah xarumaha hoos yimaada Machadka Caafimaadka Qaranka sidookalena hirgelinta dhismahan cusub uu kamid yahay qorshayaasha ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ku hormarinayso adeegyada caafimaad ayadoo kaashanaysa UNICEF sidookalena horgelinta Shaybaarkan ayaa kordhin doona tayada baaritaanka caafimaadka wuxuuna xoojin doonaa awoodda baaritaanka iyo ka hortagga cudurrada halista ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.
Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in dhismaha Shaybaarka Qaranka uu bixin doono fursado cusub oo xirfadlayaasha caafimaadka ay ku heli doonaan qalab casri ah iyo fursado waxbarasho Waxana uu intaa ku daray in horumarkan uu yahay mid ka mid ah himilooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka caafimaadka Qaranka ayadoona la filayo in uu saameyn togan ku yeesho adeegyada caafimaadka ee dalka.
Ugu Danbayn Wasiirka ayaa xusay in dhismahan cusub uu muhiim u yahay xaqiijinta caafimaadka guud ee bulshada isagoona tilmaamay in fursadaha baaritaanka ee la heli doono ay ka caawin doonaan in la ogaado cudurrada waqtigooda si loo yareeyo faafitaanka iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada.