Kadib toogashadii xerada Jenerral Goordan, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordon ee Muqdisho, ayaa wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Wasiir Jaamac ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirka in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo weerarkii dhawaan ka dhacay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka dhawaajiyay in falka argagixisada ee lagu beegsaday saraakiisha Imaaraadka ay labada dal isla garteen inuusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka.