Masuulkii beddelay CABDUL oo hortegay BF kadibna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed ayaa hortegay guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa waxaa shir guddoomiyey ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Afey, ayada oo ku wehliyey xoghayaha guddiga Xildhibaan Maxamed Diyeeshe.

Sidoo kale, kulanka waxaa kasoo qeyb-galay ku-simaha wasiirka wasaaradda amniga gudaha XFS Maxamed Siciid Xagaa iyo agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha Yuusuf Cali Maxamed.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxa uu guddiga weydiiyay su’aalo la xiriira waajibaadkii loo igmaday, xilli dhawaan ay hay’adda xuddun u noqotay baaritaannada kiisaska musuq-maasuq ee ay billowday dowladda federaalka.

Agaasime Axmed Siciid ayaa la magacaabay kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay.

Si kastaba, hay’addan ayaa hadda si gaar ah isha loogu hayaa, ayada oo hoggaanka cusub ee hay’adda uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay hanaanka shaqo iyo adeeg bixin ee hay’adda, oo bulshadu horey uga sheegan jireen dhib badan.