Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo uu hal qodob uga muhiimsanaaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u jiheystay dhanka dastuurka iyo doodaha siyaasiga ah ee la xiriira 2026, xilli ay Soomaaliya ku jirto waqti aad u adag.

Soomaaliya ayaa wajaheysa dhowr arrimood oo aad u culus, oo dhamaan natiijadooda la arki doono 12-ka billood ee soo aadan. Waxaa kamid ah arrimaha damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, kaasi oo ka noqosho iyo ku dhaqaaqid middii ay tahayba aan dhaafi doonin bilaha soo socda.

La-dagaalanka argagixisada waa qodob kale oo weyn oo qabyo ka ah Soomaaliya iyo midda saddexaad oo ah bixitaanka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, oo la filaayo inay dhamaadka sanadkaan ka baxaan dalka, una baahan diyaar garow sax ah.

Dhamaan saddexdaan qodob oo si xooggan oo kala gaar gaar ah u saameynaya amniga, jiritaanka iyo madax-banaanida Soomaaliya ayaa hadda ahmiyadooda hoos usii dhaceysa maalinba maalinka xigga.

Waa qodobo dhamaan u baahan midnimo umadeed, mid siyaasadeed iyo in la siiyo hortebin gaar ah, balse nasiib darro hadda waxaa miiska marxaladaha Soomaaliya ugu xoog badan doodda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.

Dhanka madaxda maamullada waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay kuraasta ugu soo laaban lahaayeen, oo ma ahan rag ka fakiraya wax dan-guud ah.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, madaxda maamullada iyo mucaaradkaba waxaa lagu eedeynayaa inay laaleen howlihii ugu muhiimsana in dalka laga saaro xilliga adag. In mowduucyadii waaweyna ee dalka la jiiray la iskuma diidana waxaase kooxaha mucaaradka ay ku doodayaan inay sababteeda leedahay Villa Somalia oo ayadu ka leexatay inay ka shaqeyso arrimaha waaweyn, beddelkeedana xoogga saartay inay furto mowduucyo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyaguna ay ku qasbanaadeen inay dowladda la dhigtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu haystay dhowr shaqo oo cidna ay ku mucaaradi karin, waxaana kamid ah; la-dagaalanka argagixisada iyo difaaca biyaha Soomaaliya oo duullaan ay ku soo qaaday dowladda Itoobiya.

Labadaan arrimood cidna banaanka uma soo istaagi karto inay dowladda ku diido, laakiin hadda dowladdu iyada ayaa shaqo u abuurtay mucaaradkeeda.

Iyada oo dhameystirka dastuurka uu kamid yahay howlaha muhiimka ah ee dalka iyo balanqaadyadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xilligii doorashada, haddana maadaama uu taabanayo awood qeybsiga siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda dad badan ayaa rumeysnaa in xooga dib loo dhigi oo taasi bedelkeedda waqti la geliyo u diyaar-garowga bixitaanka ciidanka ATMIS, soo afjarida argagixisada iyo burinta is-afgaradkii Itoobiya la gaartay Muuse Biixi.

Inta argagixisada ay weli ka dagaalamayso Soomaaliya waa adkaan doonto inay Soomaaliya xasillooni hesho, dastuurkeeda shaqeeyo, iskana difaacdo damaca ka imaanaya dariskeeda.

Si taas lamid ah inta siyaasiyiinteeda ku mashquulsan yihiin danaha gaarka ah, ma dhisi karaan midnimo shacab oo la iskaga difaaci karo duullaanka deriska iyo gumaadka argagixisada.

Dada badan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradkaba ugu baaqay inay dib u hagaajiyaan howlaha hortebinta leh ee qaranka oo meel la iska dhigo danaha shaqsiga ah iyo kuwa kooxaha.