Sawirro: Xasan oo hoygiisa ugu tegay Muuse Suudi oo xurguf ay kala dhaxeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si lama filaan ah hoygiisa ugu tagay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo in muddo ah ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeysay.

Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi ayaa ku kala tegay magacaabidii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo noqon weysay sidii uu rabay Muuse.

Booqashada Madaxweynuhu uu caawa ku tegay Muuse Suudi ayaa daarneyd salaan iyo raalli-gelin uu Xasan Sheekh u siday Senatorka.

Dhowr jeer oo hore ayuu Senator Muuse diiday inuu la kulmo oo masuuliyiin badan oo Xasan Sheekh uu u soo diray, si ay uga heshiiyaan tabashada jirta.

Intii uu Madaxweynaha booqanayay hoyga Muuse Suudi oo ku yaalla Mirinaayo lama xirin wax waddo ah, taas oo dad badan oo goor dambe ku baraarugay ay la yaabeen.

Markii uu booqashada soo dhameystay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo maray suuqa cusub ee Jubba Hypermarket oo ku yaalla isgoyska Jubba.

Madaxweynaha ayaa si kalsooni badani ku jirto salaan gees uga soo bilaabay dadkii joogay suuqa iyo kuwii fadhiyay maqaayadaha ganacsi ee ku yaalla aagga suuqa illaa sigoyska Jubba.

Sida caadada ah markii la joogo Muqdisho, hadii uu madaxtooyada ka baxayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, waxaa la xiraa jidadka aagga uu u socdo iyo aagga madaxtooyada, balse caawa taasi ma dhicin oo waxaa jidka isla marayey gaadiidka shacabka iyo kan wada kolonyada madaxweynaha.