Xuseen Sheekh Maxamuud oo afar qodob kasoo saaray tallaabada uu qaaday BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabada uu qaaday baarlamaanka, oo maanta si rasmi ah u bilaabay doodda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.

Xuseen ayaa sheegay in baarlamaanka maanta jira uu nasiib u yeeshay inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka dooddo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto, uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

“1960-kii ayaa u danbeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Umadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in dastuurka la ansixiyo arrimo badan,” ayuu Xuseen Sheekh ku yiri qoraal uu soo saaray.

Agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya ayaa ku booriyay Xildhibaanada labada Aqal inay si habsami leh uga doodaan, ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dowladda kala cadeynaya.

Hoos ka aqriso afar qodob oo uu ka soo saaray arrinkaan, oo uu sheegay in laga faa’iidayo tallaabada uu qaaday baarlamaanka.

  1. Dastuurka waa hortabinta 1-aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.
  2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.
  4. Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taas oo ay ugu horeyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.