Xog: Shaqadii xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo istaagtay kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba istaagay shaqooyinkii ka socday xarunta gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqooyinkii ka socday xarunta gobolka ayaa istaagay kadib markii la waayay adeeg koronto oo lagu shaqeeyo, kadib markii uu ka halaabay Matoorkii korontada u qeybin jiray xarunta.

Dowladda Hoose ee Xamar hore ayaa looga jartay korontada kadib markii ay bixin weysay lacagtii lagu lahaa, waxaana hadda ka halaabay halkii Matoor oo ay soo iibsadeen.

Arrintaan ayaa sababtay in maanta ay istaagan gebi ahaanba shaqooyinkii gobolka, oo aysan wax shaqo ka socon xafiisyadii gobolka, ee bulshada u adeeg doonan jirtay.

Sidoo kale waxaa adeegga korontada laga jartay xarumaha degmooyinka qaarkood, oo ay kamid tahay degmada Xamar Weyne, taasi oo iyadna saameyn ku yeelatay adeegii ay bulshada u haysay.

Xarunta degmada ayaa tan iyo markaas oo ku siman shan maalin aysan wax shaqo ah ka socon.

Waxaa is qaban la’ lacagta xad dhaafka ah ee dadka Muqdisho laga qaado iyo xafiisyadii gobolka oo qiimaha adeegga korontada iska bixin weysan.

Si kastaba, arrimahaan ayaa banaanka keenaysa in maamulka gobolka uu ka jiro musuq-maasuq baahaan, kaasi oo gaaray heer xataa in degmooyinka qaar iska bixin waayan adeeggii korontada.