Wasiirka gaashaandhiga Cusub oo ka hadlay qorshihiisa Amaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho iyo waxa kaga qorshaysan.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa ka dhawaajiyay inuu ku dadaali doono sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo oo aysan ka baqan amani daro marnaba.

Fiqi Wuxuu shaaca ka qaaday in qof waliba oo muwaadin ah ammaankiisa lasugayo isaga oo tilmaamay in nolosha shacabka Soomaaliyeed ay wax badan ka badali doonaan Xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya.

Waxaa  kale oo uu sheegay in shaqada utaalo aysan aheyn shaqo yar balse ay doonayaan garab galka shacabka Soomaaliyeed si looga gun gaaro howlaha badan ee horyaala Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa waxaa uu horay ugu soo shaqeeyay Xukuumadii Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo uu Wasiirka gaashaandhiga uu ka soo noqday.