Wasiirka gaashaandhiga oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u jawaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dooday in marka la gaaro 14-ka bishaan haddii aan xal loo helin khilaafka haatan jira aysan suurta gal aheyn in la dhaariyo baarlamaanka, maadaama aysan joogin xubnaha laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Jaamac oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa sheegay in Mursal uusan xaq u laheyn ka hadalka arrintaasi, isla-markaana ay quseyso beelaha sida gaarka ah u leh kuraastaas oo uu ku jiro kursigii oo uu isagu horey ugu fadhiyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

“Dooda kuraasta FEIT ay dib u celisey waxa ay quseysaa beelaha sida gaarka ah u leh kuraasta ee gudiga qaran u gudbiyay cabashooyinkooda. Waxaa la yaab leh in siyaasi beel kale ka soo jeedo uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan, xilli isagu uusan meel ku sheegin kuraasti la xijinaayay,” ” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Afka Koonfur Galbeed waxaa ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxbanaan,”.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta qaar ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadallada dadka qaar ka soo yeeraayo waxa ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, musuuliyadana lama wada qaadi doono e’ waxaa qoorta loo suri doonaa qofki balaayada u wanqalay,” ayuu markale qoraalkiisa jawaabta ah ku yiri C/qaadir Maxamed.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Koonfur Galbeed uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Rooble, kaas oo ka dhashay dhammeystirka doorashada Soomaaliya.