Fiqi “Waxyaabo iga yaabiyay ayaan ka maqlaa ciidamada Dowladda”

Kadib markii uu ka yaabay waxa ay ku kacayaan ciidankiisa Dowladda Somalia, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya, waxa uu soo saaray digniin culus.

C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa digniin kama dambays ah waxaa uu u jeediyay Askarta dowlada ee dareeska Ciidanka ku dhibaateeya dadka shacabka, sida maalmahanba la warinayay.

Mudooyinkan dambe Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya oo ay joogaan ciidamada dowlada Somalia, ayaa waxaa ka socotay sheeko ah koox dareeska ciidanka dowlada ku labisan ayaa kufsi iyo dhac gaystay.

Fiqi ayaa sheegay in lala xisaabtami doona Askarigii ugu awood sheegto shacabka labiska uu xeran yahay .

“Wax iga yaabiyay ayaan maqlaa mar kasta oo laga sheegayo ciidamada Dowladda, lamana aqbali karo” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu sheegay in Askari kasta oo dadka shacabka waxyeeleeyo isagana lagu qaadayo  xukun lamid ah ku xadgudbida shacabka loomana dul qaadan doono ayuu yiri.

Fiqi ayaa carabaabay in goob walba oo ay dowlada la wareegto in la gayn doono Maxkamada Ciidamada qalabka si ay xukunno ugu qaado ciidamada dhibka ku haya shacabka.