Juventus oo meesha ka saartay inay lasoo saxiixato Drogba.

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inuu Janaayo lasoo wareegayo halyeeyga Chelsea weerarka uga ciyaari jiray Didier Drogba.

Wargeyska Talyaaniga kasoo baxa Gazzetta dello Sport, ayaa maanta qoraya inaysan Juve wax hurumar ah ka sameyn saxiixa weeraryahanka Shanghai Shenhua, kaasoo Abaal marin shaqsi ah ka helay BBC, wuxuuna ka tegay Yurub isagoo u jiheystay cariga Shiinaha.

Horyaalnimada Serie A, ayaa sidoo kale lala xiriirinaayey weeraryahanka with Athletic Bilbao Fernando Llorente, laakiin Conte ayaa qirtay inaysan Juve lasoo saxiixan doonin ciyaaryahano sare.

“Waxaan hurmar ka sameynay afaafka goolka. Waa xilli adag xaalada lagu jiro, Juve keliya maahan laakiin kooxaha kale oo dhan,” ayuu Conte u sheegay Corriere dello Sport.

“Ciyaaryahano sare ma keeni doono sabatoo ah uma baahnin taageeradooda.

“Waxaan wax ku sameyneynaa ciyaartoyda aan heysano, waxaan u shaqeyneynaa si adag waxaan isku deyeynaa inaan kor u qaadno ciyaartoyd aan heysano.

“Dhowr mar horay waan uga fiicneyn weerarka waxaana isku deyi doonaa inaan kor isku sii qaadno.”
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.