Martin O’Neill: Van Persie waa Messi-ga Manchester United.

Tababaraha kooxda Sunderland Martin O’Neill ayaa weeraryahanka Manchester United Robin van Persie la meel dhigay xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi.

Xidigaan ay Red Devils xagaaga kula soo saxiixatay 24 milyan oo ginni wuxuuna u dhaliyey 12 gool 17 kulan oo uu saftay Premier League, marka lagu daro goolkiisii furitaanka uu ka dhaliyey Black Cats Sabtidii ciyaar ku dhamaatay 3-1 oo ka dhacday Old Trafford.

Messi ayaa Axadii dhaliyey goolashiisii 89aad iyo 90aad ee sanadkaan kulanki ay kooxdiisu 4-1 ku xaaqday Atletico Madrid, wuxuuna sii dheereeyey Rikoorkiisa gool dhalinta ugu badan hal sano, O’Neill ayaana aaminsan inuu Van Persie siiyey United wax la mid ah waxa uu kabtan Argetina u sameeyey kooxda Camp Nou.

“Van Persie wuxuu goolal ka dhalin karaa meel aad u fog. Waxay u egtahay wax aan dhicin, waxaad ka ciyaareysaa weerarka, laakiin wuxuu ahaan furitaan aan caadi aheyn,” ayuu O’Neill u sheegay saxaafda.

“Barcelona miyey saameyn midaan la mid ah yeelaneysaa hadii uusan ciyaareyn Lionel Messi? Waa koox aad u tayo badan, laakiin Messi la’aantiis waxba kama naqaan, sababtoo ah waa hugaamiyahooda.

“United waxan xidig qandaraaskiisu hal sano ka dhiman tahay kusoo iibsatay 24 milyan, marka qiyaas qiimha uu ku fadhiyo. Laakiin keliya tusaale maahan, xaqiiqda ayaa ah inuu yahay nin cajiib ah.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.