Demba Ba oo ku riyoonaya inuu u ciyaaro kooxda Arsenal.

Demba Ba ayaa albaabka u furay inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal wuxuuna qirtay inay tahay koox uu kaga dhabeyn karo riyadiisa.

Weeraryahanka Newcastle ayaa xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya St James Park, wuxuuna dhaliyey  11 gool oo Premier League ah.

Ba ayaanse saxiixin qandaraas cusub waxaana qandaraaskiisa haatan ee Magpies lagu burburin karaa 7.5 milyan oo ginni.

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa noqon doona kooxaha saxiixiisa ku dagaalama xilli ay Newcastle dooneyso inay ceshato xidigeeda.

Arsene Wenger ayaana si gaar ah xidigaan ugu arka inuu ku xaliyo dhibaatada weerarka Gunners ka taagan.

Ba ayaa u sheegay Canal+: “Waxba kama dhihi karo wararka ila xiriirinaaya Arsenal. Waxna ma aysan dhicin weli.

“Warbaahinta ayaa og inay Arsenal u baahan tahay weeraryahan waxayna ogyihiin lacagta lagu burburin kara qandaraaskeyga. Waxay u baahan yihiin inay sameeyaan waxa maskax ahaan ay ka sameyn karaan arinka.

“Arsenal waa koox ka mid ah kooxaha aan ku sameyn karo riyadeyda.”

Gunners ayaa suuqa  ugu jirta weeraryahan iyadoo ku dhibaatooneysa gool dhaliye ka dib markii ay Robin van Persie, xagaaga ka iibiyeen Manchester United.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.