Liverpool oo dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan Villa.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto weeraryahanka Barcelona David Villa, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Isbaanishka AS.

Wargeyska ayaa sheegaya inay kooxda Anfield xidigaan ku dalbaneyso inta u dhexeysa 12-15 milyan oo euro, 31-jirkaan ayaana la isku waafaqi karaa inuu ka tago kooxda Catalan, xidiga heerka caalami ee dalka Spain ayaana ka mid aheyn dooqa koowaad ee tababare Tito Villanova.

Weeraryahankii hore ee Valencia ayaa taageero badan ku leh garoonkii uu kusooo ciyaaray Mestalla iyo xulkiisa Spain, si kastaba qiimihiisa waxaa hoos u dhigay dhaawacyo, David Villa ayaana dooqa koowaad ee weerarka kaga dambeeya Pedro, Alexis Sanchez iyo xittaa Cristian Tello oo inta badan uu taageero Lionel Messi.

Villa ayaa ku bilowday lix kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey shan gool, Liverpool ayaana u baahan weeraryahan iyadoo inta badan ku tiirsan xidigo da’yar ahVilla ayaa laga yaabaa inuu u soo dhaqaaqo Premier League.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.