Eric Abidal: Dhaqso kuma soo laabanaayo kubada cagta.

Daafaca kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa sheegeya inuusan si dhaqso ah ugu soo laaban doonin ciyaarta kubada cagta xilli ciyaareedkaan.

Daafaca Faransiiska ah ayaa qaliin wadnaha ah maray bishii April wuxuuna ku jiraa wadadiisa soo laabashada ilaa iyo waqtigaas. Daafacii hore ee garabka bixin kooxda Olympique Lyonnais ayaana sheegay inuu saacidaad ka helaayo qoyskiisa.

“Rajadeydu waa inaan kusoo laabtaa kubada cagta waqtiga xaadrikaan aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaana dareemayaa inaan aad u fiicanahay,” ayuu u sheegay TV3.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro kubada cagta, waxaana heystaa qoys aan ii ogokeyn waq Qatar ah. Tixgelinta koowaad aniga ayaa u leh, ka dibna nafahaanteyda.

“Hadii aan ciyaari karo waa wax lagu farxo, waxaana heystaa qoys iyo dad kuwaas oo I jeclel.”