Dad loo qabqabtay qaraxyadii Islii

Nairobi (Caasimada Online) Ciidamada amaanka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah howlgalo ay ka sameeyeen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida Kenya ee Islii, waxa ay ku soo qabqabteen illaa sagaal qof oo siddeed ka mid ah ay u dhasheen waddanka Yemen.

Madaxa booliska Nairobi Moses Ombati oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxyadii xaley ka dhacay Islii loo xiray illaa sagaal qof oo u badan dad reer Yemen, kuwaasoo ku jiray dhismo ku yaalla meesha ay qaraxyada ka dhaceen.

Wuxuu intaas ku daray  in su’aalo la weydiinayo dadka la xiray ee looga shakiyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii xaley.

Waxa ku jira sagaalka qof  ruux u dhashay waddanka Soomaaliya, kaasoo lahaa dhismaha laga soo qabtay dadka reer Yemen ah.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xoojin doonaan ammaanka xaafadda Islii oo dhowr qaraxyo ay ka dhaceen bishan kaliye.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii qarax nooca bambaanada lagu tuuray masaajidka Al-Hiddaaya oo ku yaalla xaafadda islii, waxa ku dhintay qaraxaas lix qof, iyo tira intaas ka badan oo uu ku jiro xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamkunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaanka ayaa looo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg,ee waddanka Koonfur  Afrika kaddib markii uu ka dhaawacmay labada lugood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi