Labo Wariye oo ku dhibaateysan Xerada Dhadhaab (Fadlan Caawi)‏

Markii dhibaatooyinku ay kabilaawdeen Dalka Soomaaliya gaar ahaa koonfurta, waxaa qofkastaaba uu u baxsaday halkii ay cagihiisu gaarsiiyaan, wariyayaal badan ayaa dalka isaga soocararay iyagoo kabaxsanaya kuwa dhibaatadda ilaa iminka wariyayaasha ladaba jooga.

Waxaa lagu kala orod badiyay sidii lookala jeeb roonaa, wariyayaashu qofwalbaaba halkii jeebkiisu gaarsiiyo ayuu hadda aduunka kajoogaa, qaarbaa kumanaan doolalar uga baxday halka ay maanta caalamka ka joogaan halka qaarkalana jeebkooda oo maran owgeed ay wali kudhibaateysan yihiin meelihii ay cagahooda kusoogaareen.

Weriye Beene Beene oo lugta ka buka
Weriye Beene Beene oo lugta ka buka

Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan BEENE BEENE oo ahaa Wariyihii Idaacaddii Hornafrik ee gobolka shabeelaha Hoose iyo Wariye Maano Xuseen Ibraahim oo ahayd Wariyihii Hornafrik ee Magaaladda Marka ayaa labaduba dhibaato kuheysataa Xerada Xagardheer Dhadhaab ee Dalka kenya hakaasoo ay iyaga iyo qooysaskoodiiba ay orod kusoogaareen.

Wariye BEENE BEENE waxaa uu la ildaranyahay Xanuunadda Macaanka iyo Dhiikarka waxaana Qaliin looga sameeyay Mid kamid ah labadiisa lugood iyadoo aysan jirin cid ka caawineysa xagga nolosha isaga iyo qoyskiisa.

Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur
Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur

Halka Wariye MAANO ay dusha kusooqaado Caruurteeda iyo caagado biyo ah oo ay dadka udhaamiso haddiiba ay wax un kahelayso balse hadda intiina waa aygabtay waayo waxay iskuwadi waysay biyo dhaamintii iyo ilaalinta sadex carur ah oo ay wadato.

Wariyayaasha kala ah C/salaan Salas iyo Axmednuur Cabdi Maxamed oo booqday labadda wariye ayaa sheegaya in xaaladda labadaasi wariye ay aad u liidato xag nololeed iyo xag caafimaadba.

BEENE BEENE iyo MAANABA waa ay iska shaqeysanjireen markii ay joogeen wadanka balse duruufta ayaa sidaan ay hadda yihiin sababtay sidaa daraadeed waxay caawinaad uga baahanyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah ehelka kali ah oo ay leeyihiin .

Haddaba Qofkiiraba in uu wax un kucaawiyo wuxuu la sooxiriiri karaa wariyaha.com@gmail.com ama teleefannadan kala ah:

Yurub ….Wariye Bashiir Jiilaal… telefoonka….0031685579334

Koonfur Afrika…Wariye Abdirisak Kampala…Teleefonka… + 27 73248 8641

Nairobi Kenya…Wariye  Ibaraahim Geedoow BIIBO..Telefonka…+254721944591