Wasiirka Difaaca Kenya “Haddii aan la joojin tacadiyada lagu hayo Somalida Islii waan is casilayaa”

Nairobi (Caasimada Online) Wasiirka gaashandhigga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa ku amray in baaritaan buuxa lagu sameeyo dhibaatada la sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay ku hayaan Soomaalida deggan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin amar uu ogyahay oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ah in la dhibaateeyo Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Mudane Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dhibaatada Soomaalida lagu hayo uu kala hadlay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, isla markaana haddii wax laga qaban waayo uu xilka ka dagayo.

Wasiirka ayaa warkan maanta ka sheegay magaalada Nairobi kaddib markii uu shaley isaga iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ay kulan la qaateen Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

“Waxan ku baqaayaa in taliyaha ugu sareeya ciidamada xaafadda Islii uu baaritaan ku sameeyo dhibaateeda ciidamada booliska ay ku hayaan dadka Soomaalida, isla markaana ay ku xadgudbayaan taasoo ah waajibaad aan loo diran” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Illaa intii ay soo baxday awaamirta sheegeysa in Soomaalida ku dhaqan Kenya ay ka baxaan magaalooyinka isla markaana ay ku laabtaan xeryahaha qoxootiga Kenya, waxa soo baxayay cadaadis badan oo ka immaanaya ciidamada GSU-da iyo ciidamo kale oo baaritaan maalin iyo habeen ka sameeya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Ciidamadan ayaa dadka xirxira oo ka soo qabtay xaafadaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla Islii.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhibaatada loo geesanayo in ay iyagana si sharci ah uga hor yimaadaan lacaga ay qaataan ciidamada bilayska, isla markaana xaqooda ay raadsadaan iyagoona sameenaya isku soo baxyo sharci ah oo ay ku muujinayaan dhibaatada lagu hayo.

“Waxan ka mid ahay wasiirada Kenya kama aan qaybgalin kulan lagu sheegay in la baabiyo Soomaalida ku dhaqan Kenya meel kasta oo ay joogaan oo dalka halooga saaro, waa arrimo guracan oo dad siyaad gaar ah watta ay wadaan”

Waa hadalkii ugu ballaarnaa ee ka soo baxa wasiir ka tirsan dowladda Kenya tan iyo markii ay billaabmeen howlgalka ka dhanka ah dadka Soomaalida ee ku dhaqan xaafadda Islii.

Soomaali badan ayaa dib ugu laabtay waddankooda kuwa kalena waxa ay aadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo oo ah kuwa buux dhaafay isla markaana ah kuwa go’doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi