Shacabka Degmada Walanweyn oo qaati ka taagan ciidamada AMISOM

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmaan ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi Walanweyn.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya dil iyo gudida gaadiidkooda oo ay sheegeen inay ku hayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose,sida ay sheegeen Odayaasha deegaanka.

Ka sokow odayaasha deegaanka waxaa sidoo kale sheegay inay dhibaatadaasi jirto gudoomiye ku xigeenka degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Nuur Axmed ,isagoo cadeeyay in dhibaatooyinkaasi ay jiraan.

“Dhibaato kalama kulanno ciidamada Soomaalida ,dadkaan masuul ayaan ka nahay beenna ma wanaagsana,laakiin ciidamada AMISOM wey jirtaa dhibaatooyin ay geysanayaan,dad badan oo ay dileen iyo gaadiid ay gubeen ayaa jirto”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Degmada Walanweyn.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha oo ay kaga jawaabayaan eedeynta ay ujeediyeen wax garadka iyo maamulka Degmada.