Wasiirka ganacsiga oo ka hadlay saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha dalka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir-jaraa’id oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DF Somalia Eng. C/llaahi Cali Xasan maanta ku qabtay Muqdisho, ayuu kaga hadlay war-bixin ay Wasaaraddiisa ka soo-saartay saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka. Isagoo sheegay in cudurkani, uu u si aada u saameeyey guud ahaan ganacsiga, wax-soo-saarka iyo warshadeynta dalka.
War-bixintu, waxay si aada u taabanaysaa isbeddelka dhinaca qiimaha maciishadda, xaaladda shirkadaha, warshadeynta iyo wax-soo-saarka wadanka. Waxaana ay war-bixintu muujinaysaa in hoos-u-dhac ku yimid qiimaha badeecadihii ay Xukuumaddu u sameysay cashuur-dhaafka ee ay ka midka ahaayeen Bariiska, Timirta, Burka iyo Saliida, halka khudaarta iyo waxyaabaha kale ee lagu nadiifsado na ay qeybo ka mid ah kor-u-kaceen.