Daahir Geelle oo sharaxay sababta ICJ ay mar kasta u tixgeliso codsiyada KENYA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Hore Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, lana rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah musharaxiinta isu soo taagi doona xilka madaxtinimada dalka marka la gaaro 2021, ayaa kusoo biiray siyaasiyiinta ka hadlay arrimaha Badda ee ay muranka galisay dowladda Kenya.

Danjire Daahir Maxamuud Gelle ayaa qoraal dheer kusoo qoray baraha bulshada ku sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay caddeymo muujinaya sida ay u wajaheen kiiska dacwada Badda.

Daahir ayaa Dowladda talada heyso ku eedeeyey inaysan wax tallaabo ah u qaadin dhanka dacwadaan tan iyo markii xilka loo dhiibay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay inay taas keentay in mar kasta Maxkamadda ICJ ay aqbasho codsiyada Kenya.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA DAAHIR GELLE:

Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.

Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.

Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay.

Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya.

Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.

Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan.

Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn.

Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an.

Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan.

Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.