GUDDIGA dhameystirka sharciga doorashooyinka oo amar deg deg ah la siiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu amray inay toddobaad kusoo dhameystiraan shaqada loo igmada.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan shalay warbixin looga dhageystay guddiga oo ay ku hortageen guddoonka baarlamanka.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, islamarkaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo, islamarkaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.