Wasiirka maaliyada DF iyo duqa Muqdisho oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $112 milyan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, midka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa maanta saxiixay heshiis cusub oo ku kacayo 112 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe.

Sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ku dhowaad 28 Milyan oo ka mid ah lacgtaasi waxaa si casri ah loogu dhisi doonaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruucaan uu qeyb ka yahay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan.

Dhankiisa Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadda lagu saxiixay heshiiskaan ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

Filish ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka loo qaaday, islamarkaana ay soo dhaweynayaan ka maamul ahaan

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda federaalka, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo dhoweneyso mashruucaani, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii dalka looga sameyn lahaa dib u dhis ballaaran.