Fallanqeyn: Sida ay DF iyo mucaaradka u kala fasireen wixii ka dhacay Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa lagu soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, oo lagu soo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo gudoomiye ku-xigeenka 2-aad.

Haddaba maxaa nooga baxay doorashadii shalay maxayse kaga dhigan tahay midda madaxweynaha ee noqon doonto tan ugu adag. Waa kuwan sida dowladda iyo mucaaradka u kala fasireen.

Haddii aan ka horeyno dhinaca dowladda. Waxay ku macneeyeen doorashadan inay caddeyn u tahay in madaxweyne loo dooran doono Qoor Qoor, oo dowladda ay gadaal ka riixeyso. Waxa ku doodayaan in mucaaradka oo idil oo isku tagay ay ka badin waayeen 34 cod, marka ay noqoto guddoomiyaha baarlamanka.

Maxamed Nuur Gacal oo ahaa musharaxa dowladda ayaa  helay 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cismaan oo la tartamayay, kana socday mucaaradka uu hely 34 cod.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa ku dooday in sida dowladda wax u dhigeyso aysan ahayn, waxaana xubno la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in 54-ka cod ee uu helay Dr. Gacal ay ku jireen xildhibaanada Ahlu-Sunna.

Sida mucaaradka ku doodeen, waxaa jira heshiis dhex-maray Ahlu-Sunna iyo dowladda oo ahaa, in Ahlu-Sunna codadka siiso Gacal, si doorashada guddoomiye ku xigeenka ay codadka dowladda ugu weecdaan dhanka Saadaq Sheekh Yuusuf, oo ahaa musharaxa Ahlu-Sunna, kaasi oo laga adkaaday markii dambe.

Mucaaradka waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda ay Ahlu-Sunna uga baxday heshiiskii kadib markii la doortay Gacal, taasi oo ay eedi doonto marka la gaaro doorashada madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Mucaaradka ayaa sidoo kale bixiyey tusaale kale, oo ay ku muujinayaan in codadka uu helay Gacal aysan wada ahayn dad wada taageersan dowladda.

Waxay ku doodeen, inay jireen xildhibaano aan diyaar u ahayn in saami qaybsiga beelaha la qaldo, guddoomiyaha baarlamaankana la dhaafsiiyo Beesha Murusade. Taas oo loo arkayay in ay halis galin laheyd awood qaybsiga beelaha Galmudug, sidaas darteed Gacal codad ku helay.

Cabdinaasir oo Gacal uu ka adkaay ayaa kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana mucaaradka ay rumeysan yihiin in haddii qof Murusade ah uu la tartami lahaa Gacal, ay sheekada sidan ka duwanaan lahayd.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Dr. Gacal uu 9 bilood olole waday, islamarkaana dhaqaale xooggan ka helay dowladda, halka Cabdinaasir uu ololihiisa billaabay saddex maalmood ka hor, taasi oo 34-ka cod ee uu helay ka dhigeysa wax aad u weyn.

Waxaa kale oo xaqiiq ah in musharaxa dowladda ee madaxweynaha Qoor Qoor uusan wada heli doonin 54-ka cod ee uu helay Gacal, maadaama ay ku jiraan dad codka u siiyey in la ilaaliyo saami qeybsiga beelaha.

Wax kasta oo ay ahaataba, sidee doonaana dhinacyada ha u fasireen wixii dhacayna, waxaa xaqiiq ah inay dhici doonto doorasho madaxweyne oo aad u adag aadna la isugu dhow yahay, suurta-galna ay tahay in xitaa hal cod lagu kala adkaado.