Khasaare ka dhashay weerar bambaano oo lagu qaaday guri ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu khasaare xoogan ka soo gaaray dad shacab ah oo xalay lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Fagax, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo isugu jiray rag iyo dumar ay ku caweynayeen gurigaasi, kuwaas oo la sheegay inay mar weliba isugu imaan jireen halkaasi.

Ugu yaraan illaa 10 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad daris la ah hoyga la wareeraray.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdii weerarka fulisay ay si aayar ah goobta isaga baxsatay, waxaana falka kadib meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan geystay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aynu ka haleyno Yaaqshiid waxa ay saaka sheegayaan in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ay howlgallo ka wadaan, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarka.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoojisay amniga Caasimada oo ay howlgallo joogta ah ka wadaan ciidamada Booliska.