Shir xasaasi ah oo Puntland iyo Jubbaland maanta uga furmay degmada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Boosaaso ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirka oo ah mid iskaashi ayaa waxaa si wadajir ah u daah-furay labada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

Inta uu socdo shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee daka, arrimaha ammanaka, dhaqaalaha, dib u eegista Dastuurka iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gabagabada shirka iskaashiga Puntland iyo Jubbaland laga soo saari doono War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii laga wada hadlay.

Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisa uu yahay khilaafka dowladda dhexe iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Khilaafka ayaa saameeyey xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo labadaasi maamul, mana muuqdo weli wax isku soo dhowaansho ah oo ay muujinayaan saddexda dhinac.