Ciro iyo Faysal oo dacwad ka dhan ah Muuse Biixi u gudbiyay Ben Fender

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa kulan gaar ah oo ay la qaateen Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender, ayaa waxay kaga wada-hadleen xaalad guud ee Somaliland, iyagoona u gudbiyay dacwad ka dhan ah Biixi.

Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali ayaa waxa kale oo kulankaasi ay la qaateen Ben Fender ku wehlinayey Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska, Mr Stuart Brown.

Kulankaasi ayaa waxa si gaar ah diirada loogu saaray sidii ay Somaliland uga qabsoomi laheyd doorasho 2020-ka, midaasi oo waqti xaadirkan uu hadheeyay muran baahsan oo u dhaxeeya Mucaaridka iyo Xukuumada Biixi.

Labada Guddoomiye ayaa u sheegay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb Ben Fender iyo Mr Stuart Brown, in xukuumada Kulmiye ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay waqti xaadirkan diyaar u aheyn in doorasho dhacdo.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa u muuqda inay Biixi kaga dacwoonayaan Amb. Ben Fender si ay dowladiisu ay cadaadisyo hor leh u saarto Madaxweyne Biixi, si ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsooman waqtigooga.

Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku khilaafsanaa Komishanka cusub ee doorashooyinka, midaasi oo kor u sii qaaday muranka baahsan ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.