26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wasiirkii labaad oo Koonfur Galbeed ah oo is casilay 24 saac gudahood

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in uu goor dhow is casilay mid ka mid ah wasiiradii uu gelinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafata gareen iyada oo horay uu isku casilay wasiir ku xigeenkii Gaadiidka iyo dhulka sidoo kalana ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macali oo ka mid ahaa wasiiradii uu magacaabay Lafta-gareen ayaa manta ku dhawaaqay is casilaadiisa isaga oo u sababeeyay in aan lagala tashan isala markaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay.

Shalay ayay aheyd markii uu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka oo isaguna cadeeyay in aan lagala tashan xilkaasna uusan u qalmin deegaanka uu ka soo jeedo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ay ka dhalatay muran farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News