“Wasiiro ay DF keeni la’ dahay Xamar buu Ax’ed Madoobe la yimid wuu ka sarreeyaa XASAN SH.”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, oo ka tirsan Barlamanka DF Somalia ayaa ka hadlay Caleema saarkii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo kaasi oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu Baarlamaanka Jubba ku sheegay inuu yahay mid sharci daro ah, islamarkaana lagu muujinaayo quwada ay Dowladaha dariska ah ku dhex leeyihiin Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe uu baal maray Dastuurka iyo heshiiska Adis-ababa ee dhismaha Maamulka Jubba, sidaasi awgeedna uu yahay Barlamankaasi mid waxba kama jiraan ah.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu yahay mid munaasabada ka ahaa marti, islamarkaana ay howshu wadeen Dowladaha dariska la ah Somalia.

”Hadii ay DF Somalia lee dahay munaasabado lagama yaabo in wasiiro ka socda Ethiopia, Kenya kasoo qeybgalaan, balse Axmed Madoobe waxa uu awooda inuu la imaado shaqsiga uu doonaayo, taasi waxa ay ka turjumeysaa sida uu Xasan uga awood weyn yahay”

Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada arrimaha Dibada Kenya iyo Ethiopia iyo Wafuud kale oo ka socday Maamulka Puntland ayaa ka qeybgalay Xaflada caleemo saarka Barlamanka Jubba oo maanta ka dhacday Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com