Kacdoon ka dhex jira golaha wasiirada DF kadib carro ka dhalatay tallaabadii Xasan Sheikh (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Golayaasha fulinta iyo Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carooday doorka sii kordhaya ee madaxda maamul goboleedyada dalka kadib shirkii wadatashiga ee Garowe, waxaana maalmihii ugu danbeeyay socday kacdoon ka dhex jira labadan hay’adood oo xaqiiqsaday halista ku soo wajahan.

Golaha wasiirada xubno ka mida ayaa ku gacan seryay war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Garoowe ee madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, waxayna diyaariyeen in arrintaasi looga hadlo shirka golaha wasiirada.

Waxaa sii kordhaya awoodda ay dowladda ku dhex yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada oo si weyn looga dareemay shirkii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Muqdisho ku yimid, kadib markii wasiiradii dowladda federaalka kulanka uga qeybgalay ay boos ka waayeen safka hore lana fariisiyay dhinaca danbe ee hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada.

Arrimahan oo dhan waxay dhaliyeen shaki ah in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynayaasha maamulada dalka ay maroorsanayaan awoodii dalka oo keligood ay doonayaan inay go’aan ka gaaraan arrimaha hiigsiga cusub, taasoo laga cabsi qabo inay keento jawaab ay bixiyaan Golayaasha xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Golaha wasiirada shirkiisa ayaa la filayaa in arrintan looga doodo inkastoo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka gaabsanayo inuu ka hor yimaado dowlad goboleedka Puntland oo uu ka soo jeedo.

isha goobjooge