Xog: Maxaad ka ogtahay sababta XASAN SH. ku qasabtay safarka Kismaayo + Iska indho tirkii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, halkaasoo lagu caleemo saaray baarlamaanka muranka badani ka taagan yahay ee maamulka Jubba loo sameeyay.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu iska dhega tiray digniin ay soo jeediyeen xildhibaano mooshin ka keenay maamulka Jubba, oo ahayd inuusan tagin magaalada Kismaayo, kana qeyb galin calaamo saarka baarlamanka Jubba.

Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay inay qasab ku noqotay inay ka qeyb galaan xafladda caleemo saarka baarlamaanka Jubba kadib markii wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Kenya ay caddeeyeen inay tagayaan xafladaasi iyadoo aan wax xiriir ah kala sameyn arrintaasi dowladda Federaalka Soomaaliya ee martiqaad ka helay hogaannka Jubba.

Muranka ka taagan baarlanmaanka Jubba ayaa sii xoogeysanaya iyadoo ay si cad u qaadacday maamulka Koonfur Galbeed oo sharci darro ku tilmaantay dhismaha baarlamaanka.

Waxaa kaloo mooshin ka dhan ah maamulka Jubba iyo Baarlamaankiisa hadda uu hor yaallaa Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa muuqta in arrinta oo dhami ay wataan wadato IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com