Dhageyso: Beesha Leelkase: “Puntland iyo Gaas nama sheegan karto, go’aankeenana ma lahan”

Cadaado (Caasimada Online) – Suldaanka Beesha Leelkase Suldaan Cabdullaahi Cali Jaamac Madoobe oo ka mid ah ergooyinka shirka Cadaado uga qeyb galaya beeshiisa ayaa si kulul waxa uu uga hadlay xaqiraada maamulka Puntland uu ku hayo beeshiisa.

Suldaanka waxa uu xaqiijiyey in aad uga xun yahay go’aanka Puntland iyo dowladda Soomaaliya ay shaaciyeen kaasoo ah in aysan beelaha gobolka Mudug ka qeyb gali karin shirka Cadaado ka socda.

“Cabdi Weli Gaas, annaga nama sheegan karo ee cid kale ha sheegto, sanado badan ayaan ku hoos nooleyn xaqiraadda Puntland, mana dooneyn inaan kusoo noolaano” ayuu yiri

Halkaan hoose ka dhagayso codka oo dhamaystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com