Shiicada oo si xooli ah ugu baaheysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – DF Somalia ayaa iminka ka war heshay Degmooyin iyo Gobolo dhowr ah oo si xooli ah loogu fidinaayo Madhabka Shiicada.

Faafinta Madhabkaani ayaa waxaa si xooli ah uga qeybqaadanaayo Hay’addo ka howlgalo Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka kuwaasi oo dhaqaalo ahaan ka macaasha Dowlada Iraan.

Cabsida ugu badan waxaa ay iminka ka taagantahay magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka,waxaana maamulka caasimada loo gudbiyay cabasho ku aadan inay jiraan hay’addo ama NGO-yo gudbiya madhabta Shiicada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Maamulkiisa uu talaabo ka qaadi doona cidii lagu helaa iyadoo Madhabkaasi ku faafineysa Magaalada Muqdisho.

“Beryahaan waxaan nasoo gaaraya cabashooyin ah in Muqdisho ay ka socdaan Mashaariic, lagu faafinayo madhabka Shiicadda, oo ay faafinayaan Hay’addo ku gambanaya Gargaar bixin, Ciidamada ayaa ku howlan Hay’adaha waxaas ka shaqeynaya”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadii ay Soomaaliya taageero uga baahan tahay Caalamka ay taasi macnaheedu aheyn in la faragalin karo dhaqanka suuban iyo Madhabka Sunniga ah oo ay heystaan Soomaalida.

“Waxaan faraayaa dhalinyarada, Haweenka, Ciidamada Nabadgalyada iyo dhamaan Shacabka Muqdisho inay galaan feejignaan ay kaga hortagayaan arrintaasi, hadda ayaan ku dhib qabnaa argagixiso marka ma qaadi karno Shiico” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dhanka kale, Safaaradda Iiran ee Soomaaliya ayaa ka mid ah Hay’adaha lagu eedeynayo inay si hoose uga wadaan Magaalada Muqdisho faafinta Madhabka Shiicadda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com