Xog: Ethiopia oo dhex dhexaadineysa saaxibo ku kala irdhoobay siyaasada (SHARIIF vs Madoobe)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo xubno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia, ayaa sheegaya in dhawaan Madaxweynaha Maamulka iyo kan Jubba ay gaari doonaan Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa wakhti xiligaani ku bixineyso sidii loo soo afjari lahaa Khilaaf hoosaad ka dhex dhashay labada Hogaamiye ee Jubba iyo Koonfur galbeed, kadib markii ay ku kala tageen Siyaasada kala dhexeysa DF Somalia.

Shariif Xassan ayaa ku gacanseeray inuu ka qeybgalo shirkii caleemo saarka ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayen Mas’uuliyiin ka kala socday dowladaha dariska la ah Somalia oo siyaasada dalka garab ku siiya Shariif Xassan.

Labada maamul ayaa Siyaasad ahaan hoostaga Dowlada Ethiopia, halka magac ahaana ay ka hoos imaadan DF Somalia oo iyadu dhan waliba xiligaani ka liidata.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa labada Hogaamiye uga yeeray in Magaalada Adis ababa sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gaaran si xal ay u dhex dhigto, walow taasi ay guul daro muuqata u aragto DF Somalia.

Waxaan la saadalin karin inta ay la egtahay natiijada kasoo bixi doonto kulamada ay ugu ambabixi doonaan dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com