Wasiiro iyo xildhibaano diiday shirka Baledweyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shirka dib u heshiisiinta ka socda Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan galay maalintiisa 11-aad , ayaa waxaa shirkaasi is hortaagay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia deegaan ahaana kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadaani oo dhowr ah ayaa sheegay in gogasha iminka taal Magaalada Baledweyn ay tahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aysan la socon waxa laga hadlay iyo halka loo wado shirka.

Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiirkii howlaha guud oo aqrisay war qoraal ah oo kasoo baxay kulanka ay Xildhibaanadu yeesheen ayaa sheegtay in Shirkaasi uu yahay mid u dhexeeya Beel kaliya oo aysan qeyb ka aheyn beelaha kale.

Waxa ay tilmaantay in Beelaha kale aysan ku sugneyn gogosha, taasina ay meesha ka saareyso in shirka uu yahay mid ku socda wadadii loogu talo galay.

Hadalkeeda ayaa waxaa kamid ahaa “waxaan ka digeynaa in Shirkaasi uu caqabad ku noqdo Nabadeynta gobolka iyo dhismaha Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe”.

Sidoo kale, waxaa si lamid ah go’aankaasi looga soo horjeedo shirka uga hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Cabdi Naasir Maxamed Gaarane oo isna sheegay in waxa ku qasbay ka hadlaan Shirka hiiraan uu yahay, inay cadeeyaan in Shirka dib u heshiisiinta uusan aheyn mid loo dhan yahay.

Hadalka Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa beeniyay Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Xassan Kaafi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in beelaha dhan ay ku dhanyihiin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiaho
Caasimada@live.com