“Arrintii ka dhacday Kismaayo oo kale yeysan ka dhicin magaalada Baydhaba” Waxaa sidaas yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorsha baarlamaanka loogu dhisayo maamulka koofur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qorshaha dhismaha baarlamaanka maamulka Shariif Xasan uu yahay mid socda oo dowlada Federaalka Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dhankooda ay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha baarlamaankaasi maadaama uu xubin ka yahay gudiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu ka digay in Shariif Xasan iyo dowlada Soomaaliya ay dhibaato ka dhex abuuraan shacabka deegaanada koofur Galbeed aysan wanaagsaneyn loona baahan yahay in wadada saxda ah loo qaado dhismaha baarlamaanka.

“Waxaan ka digayaa in waxii ka dhacay Kismaayo ee qaladka ahaa uu sameeyo Shariif Xasan oo Baydhabo ay ka dhacdo, waana in baarlamaanka dhismahiisa loo maraa wadada saxda ah”ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu Daahir Amin Jeesow kamid yahay dadka sida aadka ah kaga soo horjeedo dhismaha baarlamaanka ee maamulka Jubba, oo uu aamisan yahay in beeshiisa aysan kaalin muuqato ku laheyn baarlamaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com