Xog: BEESHA Muqdisho oo dejineysa qorshaha maamulka Banaadir iyo maqaamka MUQDISHO!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ka socday beesha Degaanada Sh/Dhexe iyo Banaadir ayaa kulan ay la yeesheen Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)  kala hadlay qorshaha maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo maqaamka Muqdisho yeelan doonto.

Guddiga Waxgaradka deegaanada Sh/dhexe iyo Banaadir oo uu hogaamiyay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayna ka mid ahaayeen odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa wasiirka hordhigay qorshahooda ku saabsan maamulada la doonayo in loo dhiso gobolada harsan ee Koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayay guddigani iskood isku diray u sheegeen wasiirka inay doonayaan inaysan dowladdu faragelin ku sameyn rabitaanka dadka degaanka oo iyagu rabitaankooda lagu tixgeliyo, isla markaana waxay wasiirka u caddeeyeen inay Gobolka Banaadir uu yeesho maamul u gaara oo ku xuquuq ah maamulada kale ee dalka.

Waxay intaas ku dareen inay iyagu diyaarinayaan qorshihii Gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho yeelan doonto, waxayna ka codsadeen Wasiir Odowaa inuu ku shaqeeyo qorshahooda iyo talada ay soo jeediyaan, lagana ilaaliyo in Baarlamaanka looga doodo arrinta Baarlamaanka maqaamka Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa ayaa  la sheegay inuu soo dhoweeyey talo soo jeedinta guddigan, wuxuuna uga mahad celiyay tallooyinka dhaxalgalka, inkastoo uu sheegay inuu qorshe ah ee dowladdu ka leedahay degaanadaasi ay soo bixi doonaan ilaa toddobaadka danbe.

Gudaha1Gudaha 2Gudaha 3

 

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com