Xiisad ka taagan TALEEX iyo Somaliland oo ku…

Taleex (Caasimada Online) – Waxaa xiisad ay ka taagan tahay magaalada Taleex ee gobolka Sool kadib markii odayaal lagu xiray magaaladaasi.

Wararka aan ka heleyno magaalada Taleex ayaa sheegaya in xiisada ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Somaliland oo maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi odayaal ay ku xir xireen.

Ku dhawaad 15 oday dhaqameed ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka Somaliland ay ku xireen magaalada, kuwaasi oo kamid ahaaa odayaal ka qeyb galayay shir ka socday magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland ayaana dhamaantood dhigay saldhig ku yaala magaalada, taasi ayaanan sababtay in xiisad iyo dhaqdhaqaaq laga dareemo duleedka degmada Taleex.

Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa sheegay in maamulka Somaliland oo wado daandaansi dagaal, kadib markii uu ka hadlay shir ka dhacay magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com