Wasiiro iyo xildhibaano Muqdisho ku kulmay oo baaq u gudbiyay gudoonka barlamanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho ku kulmay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan garabyada Mooshinka u gudbiyay Gudoonka sare ee BF Somalia.

Wasiirada iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ah garabka taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh oo codsaday in Gudoonka sare uu laalo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Labada Gole ee Dowlada oo dhamaantood ka mideysnaa iney ka soo horjeedaan Mooshinka Madaxweynaha Somalia laga gudbiyay kaasi oo la doono in Xasan Sheekh xilka looga qaado.

Warsaxaafadeeda si wada jira ah u soo saareen Xildhibaanada iyo Wasiirada Kulmay ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Dr Cilmi Maxamuud oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ujeedkooda uu yahay in Madaxweyne Xassan laga joojiyo waxa uu ugu yeeray carqaladeyn, waxa uuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay mid cagsi ku ah Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, waxa ay si wada jir ah uga digeen in Gudoonka sare Baarlamaanka uu hamiyo inuu dhulka ka qaado Mooshinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com