Wax badan ka ogow Canshuurta IIBKA – VAT oo ay isku heystaan dowladda iyo ganacstada Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay dib u billowday inay qaaddo lacagta canshuurta iibka, Value Added Tax (VAT) oo ganacsiga dalka ka marneyd tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991.

Canshuurtan oo ah nooc ka mid ah canshuurta aan tooska ahayn waxaa lagu dalacaa qofka macmiilka ah ee badeecada iibsada ama loo qabto adeeg ganacsi la xiriira. Waxaa soo diyaarisa wasaaradda maaliyadda si la mid ah canshuuraha kale.

Amiin Jamaal oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canshuuraha ay dowladda qaaddo ay kala duwan yihiin. Waxay noqon kartaa canshuur toos ah oo ay dowladda ka qaaddo goobaha ganacsi ee hela faa’iidooyinka, kirooyinka iyo hantida ama waxay noqon kartaa canshuur aan toos ahayn.

“Waxaa ka mid ah canshuurtan iibka oo halkii uu bixin lahaa ganacsadaha uu ku dallacayo qofka ganacsigiisa iibsada,” ayuu yiri.

Yaa go’aan ka gaara qaadista canshuurta iibka?

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaarta qadarka laga dhigayo lacagtan oo loo xisaabiyo qaab boqolley ah (Percentage). Wasaaraddu waxay hadda ku billowday canshuurta iibka qadar gaaraya 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku faahfaahiyay canshuurtan VAT.

Amiin Jamaal ayaa aaminsan sababta ay dowladda u yareysay qadarka lacagtaas canshuurta ah ay tahay si ay uga fogaato inay dadka dhibsadaan, kaddibna ay kacdoon sameeyaan.

Tan ayaa qeyb ka ah canshuuraha ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso inay hirgeliso. Waxaa ku jira canshuuraha laga bixinayo alaabaha ganacsiga, faa’iidada ganacsatada ay helaan marka ay xiraan xisaabta sanadka iyo mushaarka shaqaalaha.

Dowladda ayaa dooneysa inay wax ka beddesho nidaamka dhaqaale ee canshuurta dekedda, ganacsataduna diiddan yihiin, waxayna taas sababtay in ay maalmo hakadaan howlihii dekedda.

Sidee ayay dadku uga falceliyeen?

Dad badan ayaa baraha bulshada uga aragti dhiibtay doodda la xiriirta canshuurta iibka. Hoos ka arag qaar aan sawir ahaan u soo min-guurinnay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ah halka canshuurta iibka dib looga billaabay, aad uma fahamsana intooda badan canshuurta noocaan ah.

Maxamuud Gayfane oo dhaqaalaha uga baxay Jaamacadda Muqdisho ayaa ku doodaya in aysan weli muuqan hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadayo.

“Canshuurtan waa mid kordhineysa dakhliga gudaha ee dowladda soo gala, balse aniga iima muuqdo hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadi karo. Waayo waxaad mooddaa inay ku kooban tahay goobaha ganacsi ee ay dowladda gaari karto sida hoteellada ku yaalla [waddada] Maka Al Mukarama balse aan laga wada qaadi karin goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha sababo la xiriira ammaanka,’’ ayuu yiri Gayfane.

Inkastoo qaar ka tirsan ganacsatada leh maqaayadaha waaweyn iyo hoteellada ay durbadiiba la qabsaden canshuurta iibka haddana waxaa la rumeysan yahay inay jiraan ganacsato badan oo aan si fiican u fahmin.

Daahir Cabdullaahi Nuur oo ah milkiilaha dukaan weyn oo ku yaalla Muqdisho ayaa aaminsan inay habboonaan lahayd marka hore in ay dowladda sameyso wacyigelin. Wuxuu muhiim u ahaa in bulshada la baro bixinta canshuuraha iyo dhamaan noocyada canshuuraha oo ay wasaaradda maaliyadda qaaddo.

“Aniga lafteyda wax badan kama maqlin canshuurtan,” ayuu yiri.

Soomaaliya oo dhowr iyo labaatan sano ku jirtay dagaallo sokeeye, isla markaana ay ka maqneyd dowlad shaqeyneysa ayaa hadda u muuqata inay soo kabaneyso. Amniga ayaa soo hagaagaya, hay’ado dowladeed oo si buuxda u shaqeynaya ayaana jira inkastoo adeegyadooda uusan dalka oo dhan ku baahsaneyn.

W.D: Xuseen Maxamed